Maxaad ka ogtahay jasiiradaha ay Soomaaliya iyo Yemen ku muransanaan jireen oo hadda uu Imaaraadku la wareegay?
Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ayaa dhowaan gacanta ku dhigtay jasiiradda Socotra oo dhacda gacanka gardafuu, islamarkaana wax yar u jirta magaalada istiraatijiga ah ee Caluula oo ka tirsan gobolka Bari ee Soomaaliya.
Sidoo kale Imaaraadka ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula wareegi lahaa jasiiradda Abd al Kuri oo ayaduna 100 km keliya u jirta magaalada Caluula, halkaas oo dhowaan laga helay garoon diyaaradeed.
Dhammaan jasiiradahan oo ku yaalla aag istiraatiiji ah markii la joogo gacanka cadmeed, xilligii dowladdii kacaanka iyo ka horba Soomaaliya ayaa sheegan jirtay, balse burburkii ka dib Yemen ayaa si muran la’aan ah u yeelatay.
Dowladda Imaaraadka carabta oo ka faa’iideysanaysa colaadaha ka socda dalka Yemen ayaa hadda aaggaas si buuxda u maamusha, ayadoo ka samaysanaysa saldhigyo ciidan, taas oo ay doonayso inay ku muujiso saameynteeda badda cas iyo gacanka cadceed.
Burburka muddada dheer ay Soomaaliya ku jirtay ayaa horseeday in goob walboo istiraatiiji uu dal kale soo hawaysto, balse dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay la timaaddo qorshe lagu ilaalinayo soohdimaha iyo aagagga muhiimka ah ee nabad-gelyada iyo madax-bannaanida dalka saameynta ku leh.