Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in hub lala galo Xeebta Liido
Sheeko:Warar & Warbixino
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/08130614/Liido.jpg)
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aamo culus oo ku saabsan nabad-gelyada magaala-madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana go’aamadaas qeyb ka ah inaan hub lala gali karin xeebta Liido.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inaanay jirin hub la gali karta xeebtaas ay kumanaanka qof sida maalinlaha ah u tagaan.
Amarkan ayaa saamayn doona dhinacyada hubaysan ee ka baxsan laamaha ammaanka sida ilaalada gaarka ah, waxayna boolisku sheegeen in tillaabadan looga golleeyahay adkaynta nabad-gelyada goobtan mashquulka badan ee aadka loogu dalxiiska tago.