Turkiga oo faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha Sahminta Shidaalka Soomaaliya
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/08064102/21532375_0-118-4096-2307.jpeg)
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa shaaca ka qaaday in markabka sahminta badda ee Oruc Reis uu dhameystiray 50% baaritaannada seismic ee badda Soomaaliya.
Markabka Oruc Reis ayaa bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay kusoo xirtay dekedda Muqdisho si uu u bilaabo sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.
Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo wafdigiisa. Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen geeddi-socodka xiga ee sahminta iyo fursadaha iskaashi ee dhulka.
Intaa waxaa dheer, wasiirka Turkiga wuxuu ku dhawaaqay in la bilaabay nidaam cusub oo iskaashi ah oo dhanka macdanta ah oo dhexmara labada dal.
“Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ku horumarinayno iskaashiga tamarta iyo macdanta, si uu u noqdo mid ku habboon xiriirka dhow iyo kalsoonida dhabta ah ee naga dhaxeysa,” ayuu yiri Bayraktar.
Markabka Oruc Reis ayaa samaynaya baaritaanno saddex-geesood ah (3D seismic studies) oo lagu ogaanayo suurtagalnimada shidaalka iyo gaaska, sahmintana waxay qaadan doontaa muddo u dhexeysa lix illaa toddobo bilood.
Daraasadaha laga helo xogta la ururiyay ayaa lagu falanqeyn doonaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si loo go’aamiyo meelaha ugu habboon ee qodista shidaalka iyo gaaska.