U bood dhigaalka

Madaxweyne cirro oo lagu marti-qaaday shir madexeed caalami ah iyo Imaaraadka oo Soomaaliland ula dhaqmaya sidii dal madax-bannaan

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha dawladaha Adduunka ee sanadka 2025 oo ka dhici doona Dubai .

Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 30 madaxweyne ayaa diiradda lagu saarayaa xasilloonida dhaqaalaha iyo Tiknoolojiyadda, waxaana Soomaaliland ku marti-qaaday dalka Isku tagga Imaaraadka carabta oo madashan hormuud u ah sida uu sheegay Afhayeenka madaxweyne cirro.

Madaxweynaha Soomaaliland iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda u duulaan Imaaraadka, safarkii labaad oo muddo bil ka yar uu dalkaas ku tagayo Madaxweyne cirro.

Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ayaa Soomaaliland iyo qaar kamid ah maamullada kale ee dalka ula dhaqanta qaab u muuqda sida inay yihiin dowlado madax-bannaan, haddana waxay xariir wanaagsan la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Madaxweynaha JSL Xussen Aadan Cige Dayr ayaa faahfaahin ka bixiyey .