U bood dhigaalka

CXD iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga magaalada xarardheere

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan kooxda Al-shabaab

Howlgalkaan  ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa  in Alshabaab ay halkaas ka abaabulayeen falal ka dhan ah deegaannada nabada ah ee horay looga saaray sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay dileen tiro dagaalamayaal ah, sidoo kalana ay burburiyeen dhow fariisin oo ay ku sugnaayeen kooxdu .