U bood dhigaalka

Puntland oo beenisay in ay DFS kala kulantay caqabad la xariirta dagaalka Daacish

Ayadoo ay muddooyinkii la soo dhaafay warbaahinta Puntland baahinaysay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya caqabad ku tahay dagaalka uu maamulkaasi kula jiro kooxda Daacish ayaa Wasiirka warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in aysan wax culaysa kala kulmin dhinaca Federaalka.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay jiritaanka wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay askarta dagaalka ku dhaawacma ee dibedda loo qaadayo helista Baasaboorka ku dhibtay ayaa sheegay in aysan arrintaas waxba ka jirin.

Wasiirka Maxamuud Caydiid Dirir ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay dalka masuul ka tahay, wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo dagaalka lagula jiro Daacish kaalin ka qaadanaysa.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaarkeed hadal-haysay in dowladda Soomaaliya ay Baasaboorka u diiday dhaawacyo dibedda loo dhoofinayay, sidoo kale ay hawada dalka u diiday diyaarado ciidamada Puntland u gurmanayay.