Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis dhinaca Batroolka ah
Sheeko:Warar & Warbixino

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faa’iideysiga Saliidda iyo Gaaska la saxiixday Wasiirka Tamarta ee dalka Azerbaijan Mudane Parviz Shahbazov.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa waxa uu ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-faham la saxiixday H.E. Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qeybta saliidda & gaaska.
Iskaashiga labada dal ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo shidaalka & Gaaska Soomaaliya, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda Azerbaijan.”