Ra’iisul Wasaare Xamse oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in la caawiyo danyarta inta lagu jiro bisha Ramadaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka, ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la caawiyo dadka danyarta ah
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka”. Ayuu yiri Raiisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Alle uga baryay in uu Ramadaanka dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta dunidaba ugu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo, kana aqbalo soonka, salaada iyo camalka suubban.