U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay kulanka Raโ€™iisul Wasaare Xamsa iyo James Swan ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo heyโ€™adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dowladda tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geed-socodka nabadda.