U bood dhigaalka

Maxkamad ku taalla garoowe oo xukun adag ku ridday nin dhowaan jirdiley wiil yar oo Yemeni ah

Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun adag ku ridday nin dharka Ciidamada xirnaa oo dhowaan goob fagaare ah ku jirdilay wiil yar oo qaxooti yemeniya ah.

Maxkamadda ayaa Afar sano oo Xabsi ah iyo muddo sanad oo uusan ka shaqayn karin goobaha dadweynaha ku Xukuntay Cabdifitaax Cabdinuur oo ah eedeysanaha loo haysto jirdilka Wiilka yar ee Yamaniga.

Sidoo kale Wiilka ayaa loo xukumay magdhow gaaraya $1500 oo doollar iyo waxyeellada jir ahaan u gaartay oo loo qeymayn doono, sida maxkamaddu sheegtay.

Ninkan la xukumay oo da’diisa lagu sheegay 42 jir ayay maxkamaddu shaacisay inuusan ka tirsanayn ciidamada qalabka sida ee Puntland, balse uu dharka laamaha amniga si sharci darro ah u xirnaa.