๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐พ๐ฎ๐๐ฏ ๐ด๐ฎ๐น๐ฎ๐ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ท๐ถ๐ฟ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ต๐ฒ๐ฒ๐ป ๐๐๐ ๐ถ๐๐ผ ๐ฆ๐๐๐

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC.
Kulanka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan-aragga, ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Raโiisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda biniโaadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.
Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.
War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:
1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo
2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta
3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe
4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza
5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde