U bood dhigaalka

Maamulka Trump oo wajahaya fadeexadii ugu xumaa ka dib markii ay bannaanka u baxeen xogo sir ahi

Maamulka Trump ayaa wajahaya mowjado fadeexado ah, ka dib markii saraakiisha ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanku ay bannaanka u saareen xogo sir ah oo ku saabsan qorshe dagaal oo ay la maaganaayeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Kooxdan ka tirsan aqalka cad isugu jiray wasiirro, madaxda sirdoonka, iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa ku sheekanayay madal (group) ay ka sameysteen aaladda signal, balse midkood ayaa si kama’ ah wada-hadalka ugu soo daray wariye ka tirsan wargeyska Atlantic, kaas oo bannaanka soo dhigay dhammaan xogihii ay is dhaafsadeen.

Xogaha la baahiyay ayaa waxaa ku jira qorshe ah in Masar, Sucuudiga, iyo midowga Yurub lagu qasbo inay bixiyaan qarash walba oo ku baxaya la dagaallanka kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xilliga dagaalka la billaabayo iyo goobaha la bartilmaameedsan doono.

Xogahan dibed u baxay ayaa kashifay qorsheyaal gurracan oo Trump iyo kooxdiisu ay maaganaayeen iyo sida ixtiraam darrada ah ee ay doonayaan inay ula dhaqmaan dalalka xulufada la ah.