Qaar kamid ah siyaaasiinta mucaaradka ah iyo madaxda dowlad goboleedyada oo soo dhoweeyay gogashii uu fidiyay Madaxweynaha JFS

Qaar kamida ah madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo dhoweeyay gogashii uu fidiyay madaxweynaha dalku, ayagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Alshabaab iyo Daacish, iyo xaaladda adag ee Soomaaliya ay ku jirto.
Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa war saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ku sheegay inay soo dhoweynayaan gogasha uu madaxweynuhu fidiyay.
Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland oo khudbaddii munaasabadda ciidda kaga hadlay arrimo dhowr ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb-galka gogol walba oo looga hadlayo danta ummada iyo dowladnimada dalka, asagoo tilmaamay in dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab si wadajir ah loo wajaho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan shaaciyay inuu gogol wada-hadal u fidinayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Xukuumadda, xilli Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, sidoo kalena ay wajahayso faragelin dibedda ah oo wadajirka iyo madax-bannaanideeda halis ku ah.