Raโiisul Wasaare Xamsa oo tuutaha xirtay, boqolaal dad ahna kula Tukaday deegaanka Number 50

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.
Raโiisul Wasaaraha oo tuutaha dagaalka xirtay ayaa ku sii jeeda furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, asagoo sidoo kale booqan doona xerada ciidamada ee balli-doogle sida ila xog-ogaal ahi sheegayaan.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka socdeen dhaqaaqyo ciidan iyo iska hor-imaadyo toos ahi.