Ciidamada Difaaca Deegaanka oo Weerar Ku Qaaday Al-Shabaab maraayay meel u dhow degmada Mahadaay
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab

Ciidamada Difaaca Deegaanka ee degmada Mahadaay ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo qaar toogtay halka kuwo kalena ay nolosha ku qabteen.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa dagaal culus kadib gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin lix qori oo nooca AK-47 ah, mooto, gaari, iyo maxaabiis nool.
Maydadka xubnihii la dilay ayaa wali yaalla goobta dagaalka.
Kooxda ayaa la sheegay in ay marayeen meel u dhow degmada Mahadaay.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda iyo ciidamada deegaanka ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.