U bood dhigaalka

Howlgalka AUSSOM oo war kasoo saaray Madaafiic ku dhacday Xalane

Sheeko:War

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta kasoo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), saaka aroortii abaare 6:05am ayay kooxo ka tirsan Al Shabaab ku tuureen madaafiic dhowr ah xarunta AUSSOM ee magaalada Muqdisho.

Bayaanka AUSSOM ayaa lagu yiri: “Subaxnimadii maanta abaare 6:05am, dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa dhowr madfac ku garaacay xarunta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Muqdisho.”

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “uusan jirin wax khasaare ah oo nafeed ama burbur hantiyadeed” isla markaana “xaaladda si buuxda loo xakameeyay.”

AUSSOM waxay ku celisay in weerarrada noocan oo kale ah aysan wiiqi doonin go’aankeeda ah inay garab istaagto Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida lagu xusay: “AUSSOM waxay mar kale caddeyneysaa in weerarradaasi aysan wax u dhimaynin go’aankeeda ah inay taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo sidii loo heli lahaa nabad iyo amni waara oo dalka ka hirgala.”