U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse  oo Shaaciyay Inuu Booqan Doono Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si cad u xaqiijiyay inuu booqan doono magaalada Laascaanood.

Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu wareejinayay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in booqashadiisa aysan wax dhibaato ah ku ahayn maamul Soomaaliyeed.

Laascaanood waan tegeyaa, dhibna kuma ahaa booqashadaasi maamul Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo muujiyay go’aankiisa iyo kalsoonida uu ku qabo socdaalkiisa.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo is bed-bedelaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood, taas oo muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid si weyn indhaha loogu hayo marka la eego arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah haddii uu hirgalo.