U bood dhigaalka

Muxuu yahay adeegga Internet-ka Starlink ee Soomaaliya dhowaan la keenayaaye ?

Dowladda Soomaaliya ayaa ruqsad ay dalka lagu keenayo siiyay adeegga Internet-ka satellite-ka ku shaqeeya ee Starlink oo uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk.

Qoraal kooban oo uu bartiisa X soo dhigey ayuu Elon Musk ku sheegay in Starlink Soomaaliya laga hirgelinayo, ka dib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay oggolaansho siisay.

Starlink waa shabakad internet oo dayax-gacmeedka ah oo ay maamusho shirkadda Starlink Services, waana isgaarsiin caalami ah, taas oo gabi ahaanba gacanta ku haysa shirkadda hawada sare ee Maraykanka ee SpaceX.

Starlink waxay la shaqeysaa in ka badan 100 dal, waxayna bixisaa adeeg internet oo xawaare sare leh, ayadoo adeegsanaysa hannaanka satellite-ka ee loo yaqaanno Orbit-ka.