๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ: โ๐ ๐ฎ๐ฎ๐บ๐๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ฆ๐โ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐๐บ๐ผ ๐๐๐ ๐๐ ๐ธ๐ ๐๐ถ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎโ

Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Raโiisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo.
Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.
โWaxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeedโ, Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.