Maxaa loo fasiran karaa farriinta madaxweynaha Mareykanku ee ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo xuutiyiinta ?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu bartiisa X soo geliyay ku sheegay in kooxda Daacish ay hadda ku jirto xaalad dhuumaalaysi ah, balse waxba uma suurta-geli doonaan, waana heli doonaa meelaha ay u isku qarinayaan sida uu tilmaamay.
Dhanka kale Trump ayaa ballanqaaday in maamulkiisu uu taageeri doono Shacabka Soomaaliyeed, si aan loogu ogolaan Xuutiyiinta inay soo dhex galaan, islamarkaana dadaal loo galo sidii looga hortagi lahaa argagixsada, dalkana barwaaqo looga dhigi lahaa.
Farriintan ka timid madaxweyne Trump ayay xeeldheerayaashu ku tilmaameen inay ka dhigantahay in Washington ay ka go’antahay inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, islamarkaana layska kaashado ammaanka badda cas iyo ka hortagga in xuutiyiinta ay saameyn ku yeeshaan dhulka Soomaalida.
Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee dowladda Soomaaliya ka gacansiiya dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, wuxuuna tababaraa cutubyo kamid ah ciidamada qalabka sida oo ka kala howlgala Koonfur dalka iyo deegaanada Puntland.