U bood dhigaalka

Qaar kamid ah Xildhibaanada ka soo jeeda oo Soomaaliland oo beeniyay inay qeyb ka ahaayeen war saxaafadeed looga horjeestay SSC-khaatumo 

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto deegaanada Soomaaliland ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku diiddanyihiin in hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo uu ka qeyb-galo shirka Madasha wada-tashiga qaranka.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo uu maamulo qeyb kamid ah gobolka Sool, islamarkaana in Madasha wada-tashiga qaranka lagu casuumaahi ay tahay arrin sharci-darro ah, taas oo ay tilmaameen inay dhaawacayso dadaalka loogu jiro midnima doonka iyo wada-hadallada Soomaaliland.

Haddaba markii uu soo baxay war saxaafadeedkaasi ayaa qaar kamid ah Xildhibaanadii ku saxiixnaa waxay sheegeen in lagu been-abuurtay oo aysan qeyb ka ahayn 29-ka mudane ee magacyadoodu qoraalka ku lifaaqnaayeen.

Mundaneyaasha si adag u beeniyay warqaddaas waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xegeenkii hore Mahdi Guuleed Qadar oo sheegay in war saxaafadeedkaas uu baraha bulshada ku arkay, islamarkaana uusan ka warqabin cidda soo saartay.

Sidoo kale xubno kale oo ay kamid tahay Xildhibaan Gobsan ayaa iska fogeeyay ka qeyb-ahaansha war saxaafadeedkaas, taas oo su’aal gelisay sida ay ku soo baxday warqaddan lagu diidanyahay jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo.