U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si Rasmi ah u Daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo lagu hagaajinayo nidaamka mushahar bixinta dalka iyo kor u qaadidda caddaaladda shaqaalaha rayidka.

Siyaasaddan cusub oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta iyo horumarinta adeegyada dowliga ah, ayaa ujeedadeedu tahay in la helo nidaam caddaalad iyo hufnaan ku dhisan oo lagu qiimeeyo shaqaalaha rayidka ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo darajooyinka, waayo-aragnimada iyo kartida shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hirgelinta siyaasaddan ay tahay mid kor u qaadaysa dhiirigelinta iyo kalsoonida shaqaalaha dowladda, isla markaana horseedi doonta sare u kaca waxqabadka hay’adaha dowliga ah.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in nidaamkan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ku wajahan dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay Wasiirro, Agaasimayaal guud, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyay hirgelinta siyaasaddan muhiimka ah.