Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib Ugu Celiyey Guddiga Xasaanad Ka Qaadistii Xildhibaan Cabdullaahi Abiib

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in go’aankii hore ee xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib dib loogu celiyey Guddiga Anshaxa, Daryeelka iyo Xasaanadda.
Warqadda rasmiga ah ee kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu xusay in arrinta xildhibaanka dib loogu celinayo guddiga ay la xiriirto baahida loo qabo in si buuxda loo waafajiyo dastuurka, xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, iyo nidaamka saxda ah ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa go’aamiyey in:
Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib si rasmi ah dib loogu celiyo Guddiga Anshaxa si ay u qiimeeyaan talo bixintii xasaanad ka qaadistiisa, iyadoo loo marayo habraaca sharciga ah ee qodobka 50-aad, farqaddiisa 2-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Sidoo kale, dhammaan arrimaha la xiriira guddigaas iyo talo bixinta guud ahaan lagu celiyo Guddiga Anshaxa si ay dib ugu eegaan si waafaqsan sharciga iyo xeer-hoosaadka Golaha.
Go’aankan cusub ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo in laga laabto xasaanad ka xayuubintii hore ee lagu sameeyey xildhibaanka laga soo doortay gobolka Awdal, taasoo dhalisay hadal hayn iyo muran siyaasadeed oo xooggan.
Warar hoose ayaa sheegaya in tallaabadan Guddoomiyaha ay tahay mid lagu dejinayo xiisadda iyo kalsooni darrada ka dhex dhalatay Golaha Shacabka, iyadoo sidoo kalena la doonayo in la ilaaliyo nidaamka saxda ah ee dastuuriga ah.