U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta xariirka labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Danjire Dr. Abdullah Salem Al Nuaimi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah.

Wasiir Geesood ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda Qatar, oo uu uga mahadceliyay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya.