U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horresay ka hadashay sababta loo joojiyay baasaboorka Taiwan 

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horresay si rasmi ah uga hadashay sababta loo mamnuucday baasaboorka Taiwan, oo dhowaan Wasaaradda arrimaha dibadda maamulkaasi ay xaqiijisay.

Wasiirka gaashasndhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo maanta wareejiyay xilka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegay in sababaha baasaboorka Taiwan loo joojiyay ay kamid in Wasiirka arrimaha dibadda maamulkaasi uu doonayay inuu Hargeysa safar ku yimaado, taas oo dhiirigelin lahayd gooni u goosadka Soomaaliland.

Sidoo kale Wasiirka Fiqi wuxuu sheegay in xaafiiska Taiwan ee Soomaaliland uu tababaray ciidamado ku lug lahaa dagaallo ka dhacay deegaanadaas, taas oo keentay la mamnuuco baasaboorka jasiiradda Taiwan in lagu yimaado guud ahaan Soomaaliya.

Maamulka Taiwan ayaa horay loogu eedeyn jirey ku lug lahaanshaha kalluumeysi sharci-darro oo ay maraakiibtoodu ka sameyn jireen Xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena shantii sanoo la soo dhaafay waxay xariir xoogan la yeeshan Soomaaliland, ayagoo ka furtay xaafiis dublumaasiyadeed.