U bood dhigaalka

Mareykanka oo sheegay in la gaaray xilligii uu joojin lahaa lacagaha uu ku taageero dalalka iyo ururrada caalamiga ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in la gaaray xilligii meesha laga saari lahaa lacagaha uu dalkiisu dibedda u diro si loo maalgeliyo waxa uu ku tilmaamay barnaamijyo aan ameerikaanka dani ugu jirin.

“Lacagaha Maraykanka ee dibadda loo diri jiray muddo dheer si loogu maalgeliyo barnaamijyada aan ka shaqaynayn danaha qarankeena waa dhammaaday xilligii aan canshuureheena u diri lahayn Ururada aan masuulka ahayn ee dibadaha”ayuu yiri Marco Rubio.

Taniyo markii uu xaafiiska yimid Donald Trump waxaa meesha laga saaray barnaamijyo badan oo Mareykanka dhaqaale ku bixin jirey, ayadoo Washington ay shuruud ku xirtay taageerada maaliyadeed ee ay siiso dalalka qaar.