U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka Furmay Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho – Waxaa si rasmi ah uga furmay madaxtooyada Qaranka maanta Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo ay iskugu yimaadeen madaxda sare ee dalka iyo dowlad-goboleedyada. Shirka oo la filayo inuu socdo muddo laba maalmood ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda dalka, amniga, doorashooyinka, iyo dhismaha hay’adaha federaalka.

Shirka waxaa si gaar ah indhaha loogu hayo ka qaybgalka Madaxweynaha dowlad-goboleedka cusub ee SCC Khaatumo, taas oo ah markii ugu horreysay ee maamulkaasi ka qayb galo shir heer qaran ah oo noocan oo kale ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shirka furay isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadashaqeynta, la xalliyo khilaafaadka jira, lana dardar geliyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimo qaran iyo dan guud oo ka sarreysa danaha gaarka ah.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ah madal muhiim ah oo looga tashado arrimaha mustaqbalka dalka, waxaana la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan qodobbada lagu heshiiyo iyo kuwa weli u baahan wadahadal dheeri ah.