U bood dhigaalka

Khasaaraha ka dhashay roobabkii caasimadda ka da’ay oo sii kordhaya

Khasaaraha ka dhashay roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sii kordhaya, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan tirada dhimasho iyo burburka uu roobku sababay.

Meydadka dad ay daadku qaadeen ayaa laga soo saaray qaar kamid ah biya dageenada magaalada, sidoo kale guryo dumay ayaa sababay waxyeello dhimasho iyo dhaawacba len.

Jidadka qaar ee caasimadda biya ku rogmaday ayaa isku socodka dadka iyo gaadiidka hakad geliyay, ayadoo xaafadaha qaar ay bulshadu ay miciin biday baabuurta cagaf cagafta, ka dib markii ay waayeen si kale oo ay biyaha hor ceegaaga uga gudbaan.

Si kastaba ha ahaatee dadka reer Muqdisho waxay la daalaadhacayaan mid kamid ah musiibooyinka dabiiciga ah ee soo noq noqda, balse ma muuqdaan baraarug iyo birmad dadka waxyeelladu gaartay lagu taageerayaahi.