Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis dhinaca beeraha ah

Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiis hordhac ah oo ku saabsan hormarinta iyo maalgashiga beeraha, ka dib kulanka magaalada Baku ku dhex maray Wasiirrada beeraha labada dal Maxamed Xayir Maareeye iyo Majnun Mammadov.
Heshiiskan ayaa xoogga saaraya iskaashi ballaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, horumarinta cilmi-baarista, iyo wada shaqeynta ganacsatada ku hawlan wax-soo saarka beeraha ee labada dal.
Is-afgaradkani wuxuu qayb ka yahay dadaallada dowlaadda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta wax-soosaarka gudaha, iyadoo la kaashanayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah, Azerbaijan oo hormuud ka ah horumarka tiknoolajiyadda beeraha ayaana laga rajeynayaa in iskaashigeedu wax badan u soo kordhin doono Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa ah mid kamida dalalka haysta dhulka ugu wanaagsan wax beerashada, sidoo kalena leh laba webi oo qulqul biyood feecan leh, balse si dhab ah looga faa’iidaysan markii la fiiriyo wax soo saarka gudaha iyo wax dhoofintaba.