Muxuu ka dhiganyahay Xisbiga ay sameysteen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaarkood ?

Saacado ka hor waxaa magaala madaxda dalka ee Muqdisho looga dhawaaqay Urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo wadajirka oo ay ku mideysanyihiin madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, wasiirrada xilka haya, Xildhibaannada muxaafidka ah, iyo madaxda Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabeelle, Khaatumo, iyo Gobolka Banaadir.
Ururkan oo la filayo inuu noqan doono midkii ugu saameynta badnaa xisbiyada badan ee hadda sameysyada ayay madaxdiisu sheegeen inay si dhab ah uga shaqayn doonaan doorasho qof iyo cod, islamarkaana aan lagu noqan doonin teendhadii madaxweynaha hadda talada haya lagu doortay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah hoggaamiyaha, ayadoo sidoo kalena loo saadaalinayo inuu noqdo musharaxa Xisbigan, halka madaxda dowlad goboleedyada, Ra’ïisal Wasaaraha, iyo ku xegeenkiisuna ay guddoomiye ku xegeenno ka yihiin.
Si guud in madax heer Federaal ah iyo kuwa heer gobol ahi ay Xisbi wada furtaani ma aha hannaan ugub ah, sidoo kale in madaxda dowlad goboleedyada ay xilalkooda iyo jagooyin heer federaal ah isku mar qabtaan ayaan ayaduna ahayn wax ku cusub nadaamka siyaasadda adduunka.
Si kastaba ha ahaatee ku dhawaaqis ururkan ayaa la filayaa inay horseedo in dhammaan xubnaha ugu cadcad mucaaradka iyo madaxda iyo Puntland Jubbaland ay ayaguna sameystaan Xisbi kale oo loolan adag la geli kara isbahaysigan muxaafidku ka buuxaan.