Jubbaland oo war saxaafadeed ka soo saartay xaaladda dalka iyo Xisbigii dhowaan Muqdisho looga dhawaaqay

Dowlad goboleedka Jubaland oo war saxaafadeed ka soo saartay xaaladda dalka iyo xisbigii dhowaan ay magaalada Muqdisho uga dhawaaqeen madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno isugu jira siyaasiyiin iyo madax dowlad goboleed ayaa sheegtay in tillaabaasi ay astaan u tahay xukun keligii talisnimo, ayadoo Xisbiga caddaaladda iyo Wadajirka ku sifeysay inuu la midyahay kii kacaanka.
Jubbaland ayaa intaas ku dartay in tillaabadaasi ay lid ku tahay Dastuurka lagu heshiiyey ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah JFS, islamarkaana ay dhaawacayso midnimada dalka iyo abaabulka loogu jiro sidii shacabka Soomaaliyeed oo midaysan ay uga hortagi lahaayeen soo rogaal-celinta kooxaha argagixisada ah.
Sida War saxaafadeedka lagu xusay maamulka Jubbaland ayaa sheegay in si cad loo baalmaray kaalintii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo lagala wareegay dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo kor-joogtaynta Xukuumadda.
Ugu dambeyn DGJ ayaa dhammaan saamileyda siyaasadda iyo bulsho weyn Soomaaliyeed ugu baaqday in loo istaago samata-bixinta dalka, iyo badbaadinta dowladnimada curdanka ah oo ay sheegeen inay god ku sii dhacayso.
War saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan ku xegeennadiisa iyo golihiisa wasiirada, madaxda afar maamul oo Khaatumo ay ku jirto, hoggaanka gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiin kale oo isugu jira Xildhibaanno muxaafid ah iyo saamiley kale ay Xisbi cusub uga dhawaaqeen magaalada Muqdisho.