maxaa u qabsoomey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud (2022–2025)?

Maanta oo ah 15-ka may waxaa seddaxda sano laga joogaa xilli la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sanadkii 2022-kii, waxaana dib u milicsan doonnaa wixii waxyaabihii u qabsoomey iyo ballanqaadyadii waxa ka hirgalay.
Doorashadii madaxweyne Xasan Shiikh ee 15-kii may 2022 waxay dhacday xilli adag oo dalku uu samata-bixin u baahnaa, madaxweynaha oo kamid ahaa musharaxiintii goortaas ugu cad cadaana wuxuu ballanqaaday inuu wax ka qabanayo qodob dhawr ah oo dhammaantood xilligaas dalka ahmiyad weyn u lahaa.
Qodobadaas ayaa kala ahaa amniga oo isugu jira la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, dib u dhiska ciidamada qalabka sida, iyo sugidda amniga magaalooyinka iyo xuduudaha dalka.
Sidoo kale ballanqaadka Madaxweynaha waxaa ku jiray wax ka qabashada dhammaystirka dastuurka, la dagaallanka musuqa, ilaalinta midnimada iyo dowlad wanaagga, hormarinta dhaqaalaha, dib u eegista siyaasadda arrimaha dibedda, Soo celinta Sumcadda Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ah, Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah, hormarinta adeegyada bulshada iyo arrimo kale.
Maxaa qabsoomey?
1. Amniga iyo La-dagaalanka Argagixisada
Madaxweynaha ayaa mudnaanta koowaad siiyay la-dagaalanka Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo si weyn loo abaabulay kooxda Al-Shabaab ka saareen deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Galgaduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Jubbooyinka.
Inkastoo magaalooyinka qaar ay kooxdu dib u qabsatay haddana magaalooyinka waaweyn ee lagu guulaystay in gacanta Alshabaab laga saaro waxaa kamid ahaa Xarardheere, Ceeldheer, Ceelbuur, Aadan Yabaal, Masaga-waa, Alkowsar, Masaajid Cali Gaduud, iyo meelo kale.
Deegaanadaas oo muddo dheer ay Alshabaab gacanta ku haysay waxaa ka saaraya ciidan Soomaaliyeed oo aan wax caawimaad ah ka helayn ATMIS iyo shisheeye kale midna, markii laga reebo duqeymo kooban oo dhinaca cirka ah, waxaana suurta-gashay in la furo isku socadka Muqdisho ilaa Gaalkacyo oo isku jira in ka badan 750 KM.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya in ka badan 30 sano ka dib waxaa sanadkii 2023-kii laga qaaday cunaqateyntii hubka, waxaana ciidanka xoogga dalka u suurtagashay inay helaan saanad ciidan oo isugu jirta diyaarado iyo gaadiidka gaashaaman, balse weli dood ayaa ka taagan in dowladdu ay si dhab ah uga faa’iidaysatay fursadda qaadista cunaqateynta.
2. Horumarinta Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ololaha ku galay halku dhegga ah”Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah“, taasoo xuddun u noqotay siyaasad dib-u-heshiisiinta, balse 3 sano ka dib inkastoo ay jireen kulamo joogta ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed haddana Puntland, Jubbaland, iyo saamiley kale oo muhiim ah ayaa tabasho darteed uga furtay xariirka dowladda.
3. Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
Seddaxdii sanoo la soo dhaafay Dowladda Federaalku waxay kor u qaaday dakhliga gudaha, iyadoo canshuuraha laga qaado dekadaha iyo shirkadaha la kordhiyay, sidoo kalena la soo rogay canshuuraha iibka ee VAT-ka loo yaqaanno, deymihii dalka lagu lahaana dunidu way ka cafisay, ka dib wada-shaqayn feecan oo ay Xukuumadda iyo tii ka horreysayba la yeesheen hay’adda IMF iyo bank-ga adduunka.
4) Dhammaystirka dastuurka
Dhammaystirka dastuurka waxay 10-kii sanoo la soo dhaafay noqata mid kamida leyliga ugu culus ee Xukuumad walba horyaalla, waxaana 3-dii sanoo la soo dhaafay dowladda ay dib u eegis ku samaysay 4 cutub oo kamid ah dastuurka, balse Dhinacyo kamid ah saamileyda siyaasadda ayaa si weyn u diiday hab-raaca loo maray tillaabadaas.
5. Siyaasadda Dibadda iyo Sumcadda Soomaaliya
Taniyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu safarro dibadeed ku tagay dalal badan, si uu u xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed, gaar ahaan:
Turkiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Kenya, Itoobiya, Eritrea, iyo Maraykanka, waxayna Soomaaliya qeyb ka noqatay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyo ururro kale oo heer gobol iyo heer caalamiba isugu jira.
6. Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada
Waxaa kordhay tirada dugsiyada dowladdu maamusho, waxayna dowladdu shaqo-gelisay in ka badan 6 kun oo bareyaal cusub ah, dhinaca caafimaadkana waxaa la qaaday tillaabooyin waaweyn oo wax ka badelay tayada adeegyada caafimaadka dalka.
Caqabadaha Jira
Inkasta oo horumar laga gaaray dhawr jiho, haddana, Al-Shabaab wali waxay khatar ku tahay amniga dalka waxay isku dayaysaa inay dib u qabsato deegaannada qaar, khilaaf siyaasadda ee dowladda iyo maamullada qaar gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland waa mid xal u baahan, musuqmaasuqu waa bar madow oo weli Soomaaliya ku taal, sidoo kalena faragelinta dibedda iyo ka maarmidda ciidamada shisheeye weli waxba kama qabsoomin.
Gabagabo
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muujiyay dadaal xooggan oo ku wajahan amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo xiriirka dibadda, guulo waaweyn ayuuna xaqiijiyay, balse weli duruufo xilligii uu xaafiiska yimid taagnaa ayaa wax ka qabasho u baahan.