U bood dhigaalka

Munaasabado lagu xusayo 18-ka May oo ka socda deegaanada Soomaaliland

Munaasabado waaweyn oo lagu xusayo 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland ku dhawaaqday gooni isku taageeda ayaa ka socda magaalada Hargeysa, deegaanno kale, iyo qaar kamid ah dalalka dibedda.

Maalintana oo ah astaan gooni u goosad ayaa deegaanada Soomaaliland laga xusayay taniyo sanadkii 1991-dii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana odayaal dhaqan iyo saraakiishii Jabhadda SNM ay magaalada Burco uga dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Madaxda Soomaaliland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inay jeedin doonaan khodbado ku aaddan dabbaaldegga maalintan ay sida mugga leh u weyneeyaan dadka deegaanadaasi, waxaana jidadka magaalada Hargeysa gaardis ku mari doona cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kooxo faneed.

Xuskan oo sida Xukuumaddu sheegtay ka dhacaya ugu yaraan 40 dal oo caalamka ah iyo dhammaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas ayaa ah kii ugu horreeya ee la qabto taniyo dagaalkii Laascaanood, wuxuuna ku soo beegmayaa ayadoo in ka badan 34 sano ay Soomaaliland dunida aqoonsi ka baadi-goobayso.