U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo danjiraha dalka Yemen?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadli Ali Ahmed

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.

Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka, bulshada iyo ganacsiga kaas oo saldhig adag u ah kor u qaadidda iskaashi ku dhisan danaha wadaagga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.