U bood dhigaalka

Khabiir Qaramada Midoobay Ka Tirsan oo Sheegay In Soomaaliya Wajahayso Caqabado Culus oo La Xiriira La-dagaallanka Argagixisada

Khabiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee la xiriira la-dagaallanka argagixisada, Prof. Ben Saul, ayaa maanta sheegay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado aad u baaxad weyn oo la xiriira la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee Al-Shabaab iyo Daacish.

“Waxaan garwaaqsanahay dadaallada baaxadda leh ee ay wadaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed si ay uga hortagaan argagixisada, iyadoo la adeegsanayo istiraatiijiyad dhameystiran oo isugu jirta fulinta sharciga, howlgallo ciidan, ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, iyo wax ka qabashada sababaha keena in dhalinyaradu ku biiraan kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Prof. Ben Saul.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan sidoo kale aqoonsanahay baahiyaha dhanka amniga iyo agabka ee Soomaaliya haysata.”

Prof. Saul wuxuu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan in Soomaaliya ay ansixisay sharciyo iyo qeexitaanno argagixisanimo oo aad u baahsan kana fog xuduudaha caalamiga ah, taas oo keeni karta in la jabiyo xuquuqda aadanaha. Wuxuu si gaar ah u sheegay in qaar ka mid ah dambiyada argagixisanimo lagu xukumo dil, xitaa haddii aysan ku lug lahayn dil ula kac ah, taasoo aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah.

Intii uu ku sugnaa dalka, Prof. Saul wuxuu helay warbixino la xiriira xarigyo aan sharci ahayn, xabsi dheer oo aan maxkamad la horkeenin, la’aanta qareen, dhibaatooyin laga yaabo inay yihiin adeegsiga xoog xad dhaaf ah, iyo dhibaatooyin lagu hayo dadka xiran.

“Waxaan si weyn uga walaacsanahay xadgudubyada baahsan ee ka dhan ah carruurta ku lugta leh colaadaha, oo ay ka mid yihiin dilal, naafoobid, qasab ku biirid, kufsi iyo tacadiyo ku saleysan jinsiga, iyo tahriibin,” ayuu yiri khabiirka.

Wuxuu si gaar ah uga digay adeegsiga maxkamadaha ciidan si loogu maxkamadeeyo dadka loo haysto argagixisanimo, isagoo tilmaamay in aanay maxkamadahan laheyn madax-bannaani iyo dammaanad qaad ku filan oo ku saabsan garsoor cadaalad ah.

“Xaaladaha xabsiyadu sidoo kale ma gaarsiisna heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Prof. Saul.
Wuxuu ku baaqay in Soomaaliya, oo ay caalamka ka helayso taageero, ay dhisto xarumo dib-u-heshiisiin iyo dib-u-dhaqan celin oo loo sameeyo dadka ka baxay Al-Shabaab, gaar ahaan haweenka la kulmay tacaddiyada jinsiga ku saleysan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in sharciyada la dagaallanka maalgelinta argagixisada ay halis ugu jiraan in la carqaladeeyo gargaar bini’aadantinimo oo si madax-bannaan loogu fidinayo dadka nugul ee u baahan caawimaad degdeg ah.

“Sharciyada la-dagaallanka argagixisada waxay sidoo kale si xun u saameynayaan xorriyadda saxaafadda iyo shaqada ay hayaan ururrada bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Prof. Saul.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay sii wadaan taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo ka digay in dhimista deeqaha ay daciifin karto dadaallada nabadda iyo horumarka dalka.
“Waqtigan waa mid xasaasi ah oo Soomaaliya ay u baahan tahay taageero joogto ah oo caalami ah si loo dhiso nabad waarta, loo adkeeyo sharciga, loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo isla mar ahaantaana lala dagaallamayo argagixisada,” ayuu yiri Prof. Saul.
Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu warbixin dhameystiran horgeeyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay bisha Maarso ee sanadka 2026.