Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee UK
Sheeko:Warar & Warbixino

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK) u fadhin doona Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK), Mudane Charles King.
Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Safiirka, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, carabaabayna rajada uu ka qabo inuu xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.