U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin ku saabsan is badelka cimilada, gaar ahaan kicitaanta badda 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan is badelka cimilada, gaar ahaan kicitaanta badda oo saameyn xooggan ku yeelan kara kalluumeysatada iyo doomaha safarka.

Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ayaa wargalisay dhammaan kalluumeysatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in lagu jiro xilli badda ay si weyn u kacsan tahay, taasoo keeni karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara bedqabka doomaha iyo dadka ku sugan badda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in si gaar ah xilligaan baddu kacsantahay ay u saameyn karto doomaha yaryar ee ku jira badda, kuwaas oo ku hawlan kalluumaysiga iyo howlaha kale, waxayna dadweynaha ugu baaqday inay ka fogaadaan ku dabaalashada badda si aan mowjada xooggan iyo dabaylaha dhacayaahi u waxyeelayn.

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma xilliyada ay baddu kacsantahay, kuwaas oo ay kamid yihiin halis nafeed, khasaare hantiyeed, iyo ambasho.