U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay ninkii diley Cayaaryahan Cabdifitaax Cabdi Cismaan 

Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay nin loo haysto dilkii Cayaaryahan Cabdifitaax Cabdi Cismaan oo horay uga tirsanaa xulka qaranka ee kubadda cagta, kaas oo saacado ka hor lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumka oo ku shaqeysanayay mootada loo yaqaanno Fikonta.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo shaaciyey soo qabashada eedeysana ayaa balan-qaaday in la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda faahfaahin lagama hayo sababta loo diley Cabdifitaax Cabdi Cismaan, balse eedeysanaha ayaa kamid ahaa ilaalada xarun gaar loo leeyahay oo ku taalla caasimadda.