U bood dhigaalka

Muqdisho oo maanta Martigelineysa Ciyaaryahanno heer Caalami ah iyo Madax Sare oo Ka Socota FIFA iyo CAF

Magaalada Muqdisho waxay maalinta si taariikhi ah u martigelin doontaa ciyaaryahanno heer caalami ah oo magac weyn ku leh dunida kubadda cagta, kuwaas oo ay ka mid yihiin halyeeyada Afrika sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha.

Sidoo kale, waxaa magaalada soo gaaraya madax sare oo ka socota hay’adaha kubadda cagta ee caalamiga ah sida FIFA iyo CAF, waxayna qabab-qaabada Soo dhoweyntoodu si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada, iyadoo uu socdo diyaar-garow xooggan oo ay hormuud ka yihiin mas’uuliyiinta ciyaaraha dalku.

Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu qaban doono ciyaar heer sare ah oo lagu maamuusayo imaanshaha ciyaarahannadan caalamiga ah iyo madaxda kale ee martida ah.

Masuuliyiinta kubadda cagta dalka ayaa Kormeerkan ku tagey garoonka, ayagoo u kuur-galay dadaallada lagu xaqiijinayo in munaasabadda ay u dhacdo si heer sare ah oo ammaankeeda, abaabulkeeda iyo quruxdeeduba ay u noqdaan kuwo si weyn loo xasuusto mustaqbalka.