Muxuu yahay kala shakiga Mucaaradka oo shir uga furmay Muqdisho?

Shalay waxaa shir uga furmay Hotelka Jazeera Magaaladda Muqdisho xubno badan oo ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xubnahan oo isugu jira Madax xilal kala duwan Kasoo qabatay dalka oo ay ku jiraan Ra’iisul wasaarayaal hore, Madaxwayne hore Shariif Shiikh Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka oo dhaliilsan Siyaasadda Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka qayb galaya kulankan oo la filayo inuu socdo mudo sedax maalmood ah.
Shirkan oo looga hadlayo Arimaha xasaasiga ee ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac, sida wax ka bedelka Dastuurka, nuuca doorashada iyo Maqnaashaha labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa durbo soo muujiyay kala shaki horleh iyo in qaar kamid ah xubnaha mucaardka ee shirka ku sugan ay jiraan dhanka Dowladda.
Ra’iisul wasaare hore, Maxamed Xuseen Rooble oo warbaahinta kula hadlay hoolka shirarka ee Hotel Jaziira ayaa sheegay inaysan jirin Mucaarad iyo Muxaafad taas oo shaki badan dhalisay.
“Meeshaan Mucaarad iyo Maxaafid maahan waa shir looga hadlayo maslaxada umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri, Ra’iisul Wasaare Rooble.
Rooble ayaa intaas raaciyay in Madaxwayne Hassan Sheikh uu yahay saaxiibkiis oo uusan jirin Mucaarad.
Hadalada Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda kuwa banaanka keenay kala shakiga wayn ee mucaaradka iyo sida aysan u jirin mucaarad midaysan marka loo fiiriyo dowladii tan ka horeeyday ee Madaxwayne Farmaajo.
Puntland iyo Jubaland oo aan u muuqan kuwa xoojinaya mucaaradka ku shiraya Muqdisho. Kala hadalka mucaaradka iyo maqnaashaha xubnaha qaar ee Mucaaradka sida Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujinaysa bilaawga guuldaro horleh oo haysata Mucaaradka.