U bood dhigaalka

Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo Jowhar lagu doortay

Magaalada Jowhar ayaa maanta martigelisay doorasho lagu buuxinayey laba kursi oo ka banaanaaday Golaha Shacabka kadib geerida xildhibaanadii horey u hayey kuraastaas.

Kuraasta la doortay:

Kursiga HOP097 – Kursigan waxaa horey u haysay Allaha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana doorashada maanta kusoo baxay Cabdikarin Maxamed Diriye, oo ah walaalka marxuumadda.

Kursiga HOP098 – Kursigan waxaa horey u hayey Allaha u naxariistee Maxamud Maxamed Jimcaale (Sey Sey), waxaana kusoo baxay Cabdulqaadir Maxamud Maxamed, oo ah wiilka uu dhalay marxuumka.