U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in Muqdisho ay wajahayso maamul xumadii ugu darnayd

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay gunaanadka shir weyne maalmahan caasimadda uga socday siyaasiyiin mucaaradka ah ayaa sheegay in Muqdisho ay la daalaa-dhacayso dhibaatooyin tiro beel ah oo maamul xumo hormuud u tahay.

“ magaaladda Muqdisho waxa ka socdaahi ma aha wax la aqbali karo, waa maamul xumada iyo hanti lumiska baahsan”, ayuu yiri Shiikh Shariif, waxaana hadalkiisu uu ku soo beegmayaa xilli dhowaan xilka laga qaaday duqiii hore ee caasimadda, islamarkaana dib loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).

Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa dhibaatooyinka ay kamid yihiin maareyn la’aanta biyaha roobka iyo bullaacadaha, jidadka la dhisay ee dib u burburaya, canshuuraha aan la nadaamsanayn, iyo musuqmaasuqa xarkaha goostay.

Dhammaan dhibaatooyinkani waa layli waxqabadkiisu horyaallo guddoomiyaha cusub ee dhowaan la magacaabay Mudane Xasan Maxamed Xuseen Mungaab oo isha lagu wada hayo halka uu ka billaabi doono saanqaadkiisa maamul.