Murashixiinta Mucaaradka ah oo ku baaqay in la dagaallanka kooxaha Alshabaab iyo Daacish meel looga soo wada jeesto
Sheeko:Warar & Warbixino

Siyaasiyiinta mucaaradka ah, gaar ahaan musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay garab taaganyihiin ciidanka qalabka sida iyo xoogagga kale ee dagaalka kula jira argagexisada.
Sidoo kale mucaaradka ayaa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in mee looga soo wada jeesto la dagaallanka kooxaha Alshabaab iyo Daacish si loo badbaadiyo jirtaanka qarannimada iyo dowladnimada ee Soomaaliya.
La dagaallanka kooxahan ayaa qodobka koobaad ka ah ballanqaadka musharax walba oo u taagan kursiga ugu sarreeya dalka, balse weli lama hayo istiraatiijiyad lagu soo afjari karo dagaalkaas oo in ka badan 18 sano ka socda dalka.