Maxay Nairobi u noqatay gabbaadka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaalida
Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxay dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay noqotay gabbaad muhiim ah oo ay siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya shirarkooda, dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed iyo is baheysiyadooda ka abaabulaan.
Sidoo kale dhinacyada is diidan ama horay xurguftu uga dhexaysay ayay u noqatay madal ay ku wada hadlaan, islamarkaana dib ugu qaabeeyaan xariirkooda iyo sida ay dan wadaag cusub u noqan karaan.
Haddaba arrintan ayaa loo arkaa inay sababeen dhawr qodob oo kamid ah duruufaha xilligan ay Soomaaliya wajahayso, kuwaas oo kala ah:
1. Ammaanka
Soomaaliya weli waxay la tacaaleysaa amni xumo ay sabab u yihiin kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab iyo loollanka siyaasadeed ee gudaha, Siyaasiyiinta mucaaradka ah, gaar ahaan marka ay dowladda talada haysa ka hortagto dhaqdhaqaaqyadooda ama ay cadaadis kala kulmayaan ayayna Nairobi u arkaan meel ammaan ah oo ay howlahooda ku fushan karaan.
2. Xorriyadda hadalka iyo shirarka siyaasadeed:
Nairobi waxay siyaasiyiinta mucaaradka ahi ku dareemayaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku abaabulaan shirar, warbaahin kula hadlaan, ama kulamo qabsadaan, ayagoo aan wajahayn wax cadaadis ah.
3. La wajiilaynta Kenya
Dowladda Kenya waxay mararka qaar dowlad goboleedyada iyo Soomaaliland ula dhaqantaa sida dalal madax-bannaan, ayadoo xariirro gaar ah la yeelata, heshiisyo kala duwanna la gasha, taas oo keentay in siyaasiyiinta qaarkood ay Kenya u arkaan dal ay saaxiibnimo gaar ahi kala dhexayso oo danohooda laba geesoodka ay ka wada shaqayn karaan.
4. Meel dhexe u ah danaha caalamiga ah:
Nairobi waxay xarun u tahay hay’ado badan oo caalami ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo ururro kale oo deeq bixiyaal ah, Tanina waxay u sahashaa siyaasiyiinta mucaaradka inay helaan dhagaystayaal caalami ah si ay u gudbiyaan cabashooyinkooda ama taageero uga helaan beesha caalamka.
5. Qabyaalad iyo is aamin la’aan gudaha Soomaaliya:
Siyaasadda Soomaaliya waxaa si weyn u saameeya qabyaalad iyo loollan beeleed, Marka siyaasiyiin gaar ah dareemaan in aysan dalka gudihiisa ka helayn garab ama fursad cadaalad ah, waxay doortaan inay dibadda kaga sii wataan dhaq-dhaqaaqooda siyaasadeed.
Haddaba Nairobi waxay noqotay meel ay ku kulmaan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed maadaama ay ka helayaan amniga, xorriyadda, fursado caalami ah, iyo xiriirro bulsho iyo dhaqaale oo sahla in mucaaradku si xor ah isu abaabulaan, balse tani dhanka kale waxay sawir fool xun ka bixinaysaa dowladnimada Soomaaliya, ayadoo xoojinaysa faragelinta shisheeye oo ka mid ah waxyaabaha uu dalku ka dhis la’yahay.