U bood dhigaalka

Ku dhowaad 2 milyan oo muslimiin ah oo maanta taagan banka carafo

Maanta, oo ku beegan 9-ka Dhu al-Hijjah ee sanadka 1446, malaayiin Muslimiin ah ayaa isugu tagey Banka Carrafo si ay u gutaan acmaasha Xajka oo ah rukni kamid ah tiirarka ugu muhiimsan islaamnimada.

Maalinta 9-aad , oo loo yaqaan Maalinta Carrafo, ayaa ah mid ka mid ah maalmaha ugu barakada badan xilliyada gaarka ah ee Islaamka, waxaana ay xujeydu Banka carafo ku baryayaan Alle, ayagoo ka dalbanayaan dambi-dhaaf iyo naxariis.

Xujeyda maanta ku sugan Banka Carrafo, ayaa goobtaas ku tukan doona salaadaha Duhur iyo Casar, iyagoo Alle baryaya Marka ay qorraxdu dhacdona waxay u dhaqaaqi doona Muzdalifah, halkaas oo ay ku tukan doonaan salaadaha Maqrib iyo Cishaa, kana soo qaadan doonaan dhagaxyada ay ku ridi doonaan shaydaanka maalinta beri ah ee Ciidul-Adxaa.

Sanadkan, in ka badan 1.5 milyan oo xujey ah ayaa ku sugan Banka Carrafo, iyagoo ka kala yimid daafaha dunida, si loo sugo ammaanka iyo badbaadada xujeyda, dowladda Sucuudiga ayaa hirgelisay tallaabooyin cusub, oo ay ka mid yihiin, Mamnuucidda carruurta ka yar yar 12 sano, iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah.