Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka oo ka horyimid hanaanka Xulista Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Xaawo Sokor Cali, oo ah guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aan si sax ah loo marin habraaca sharciyeed ee lagu xulayo xubnaha Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Guddoomiye Xaawo Sokor ayaa tilmaamtay in guddiga baarlamaanka ee ay hoggaamiso uusan helin wax wargelin ah ama talo la-tashi ah oo la xiriira xulista guddiga cusub, taas oo ay sheegtay inay tahay mid ka hor imaaneysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla.
Waxay sidoo kale sheegtay in wareysi ay bixisay ay uga hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan talaabooyin sharci-darro ah oo ay sheegtay inay hareeyeen hannaanka xulista, iyadoo ugu baaqday hay’adaha kale ee dowladda inay ixtiraamaan doorka baarlamaanka iyo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, guddoomiye Xaawo Sokor Cali waxay carrabka ku adkaysay in la ilaaliyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kala dambeynta dowladnimada, si loo helo guddi madax-bannaan oo sharciyad buuxda leh una adeega shacabka Soomaaliyeed.