U bood dhigaalka

Saameyn noocee ah ayay dadka Soomaaliyeed ku yeelanaysaa xayiraadda safar ee Mareykanku?

Maamulka Trump ayaa dhowaan xayiraad socdaal ku soo rogay muwaadiniinta dhawr dal oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo dadkooda laga mamnuucay gelitaanka ama u safridda Mareykanka.

Xannibaaddan ayaa saameyn weyn ku yeelanaysa muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna halis ugu jiraan in laga hor istaago fiisayaasha noocyadooda kala duwan, sida dalxiiska, waxbarashada, caafimaadka, ama socdaalka shaqo ee Mareykanka.

Sidoo kale Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya, Itoobiya, iyo Uganda ee ku jiray barnaamijyada dib u dejinta ee Mareykanka ayaa ayaguna wajihi kara hakad ama dib u dhac dheeraad ah, kaas oo ku xiran baasaboorradooda iyo xittaa jinsiyaddooda oo laga yaabo inay mararka qaar culays ku noqato ayadoo dukumentiyada dalal kale wata.

Kala go’a ku yimaada isku socodka Qoysaska Soomaaliyeed oo Mareykanka ku sugan, islamarkaana xubno eheladooda kamid ahi ay doonayaan inay la midoobaan ayaa ayana laga yaabaa in ay waayaan fursadaas, iyadoo waalidiin, caruur ama xaasas aan loo ogolaan in ay socdaal ku tagaan dalkaas, gaar ahaan kuwa wata baasaboorka Soomaaliga.

Sidoo kale culayska xannibaaddan waxaa la kulmi doona Ardayda Soomaaliyeed oo doonaya inay waxbarasho sare ama tababarro ama shaqo ka helaan Mareykanka oo laga yaabo in laga xiro albaabkii fursadaha, ayadoo dhanka kale laga cabsi qabo in xittaa masuuliyiinta dowladda qaarkood ay ku adkaato inay dalkaas tagaan.

Si kastaba ha ahaatee xayiraaddan socdaalka ee u muuqata in lagu beegsanayo dalalka Muslimiinta ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa si qoto dheer u saameyn doontaa dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda, waxaana adkaan doona isu socodka dadweynaha, fursadaha waxbarasho iyo shaqo, iyo midnimada qoysaska, balse dedaal ay bixiyaan Dowladda Soomaaliya iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool ayaa laga yaabaa in culaysyadan qaarkood uu meesha ka saari karo sida ay xeeldheereyaashu qabaan.