U bood dhigaalka

Arday Tiradoodu Dhan Tahay 41,639 oo Maanta U Fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe Gobolka Banaadir

Sheeko:Waxbarashada

Waxaa maanta si rasmi ah looga bilaabay gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, iyada oo guud ahaan 41,639 arday ay u fariisteen imtixaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa sheegay in tiradaasi ay muujinayso horumar muuqda oo dhanka waxbarashada ah.

Sidoo kale, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ka mid ah ardayda imtixaanka u fariisatay ay 22,778 yihiin wiilal halka 18,860 ay yihiin gabdho.

Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa xusay in imtixaanku si habsami leh ku bilowday, iyadoo la adkeeyay ammaanka goobaha imtixaanka si loo hubiyo jawi deggan oo ardaydu ku galayaan imtixaanka.