Hannaanka Federaalku caqabad ma ku noqan karaa waddaniyadda ?

Soomaaliya waxay qaadatay hannaanka Federaalka muddo haatan laga joogo 20 sano, balse weli waxaa taagan caqabado ka dhasha nadaamkaas oo aan si dhammaystiran u hirgelin inkastoo haykalkiisa muuqaal ahaan dalka ka taabo galay.
Hannaanka federaalku wuxuu caqabad ku noqon karaa waddaniyadda guud haddii aan si wanaagsan loo maarayn, inkastoo at taasi ku xirantahay duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, iyo taariikheed ee dalkaas, waxaa’se jira dhowr sababood oo arrintan u horseedi kara:
1. Kalsooni la’aan iyo dareen kala go’
Nidaamka federaalka wuxuu qayb kasta oo dalka kamid ah siinayaa heer sare oo madax-bannaani ah, haddii gobolladu ay noqdaan kuwo aad u xoog badan, waxaa jiri kara khatar ah in dadku ay u arkaan in dawladda dhexe aysan muhiim ahayn, taasoo wiiqi karta dareenka waddaniyadeed ee guud.
2. Qabyaalad iyo isir-ku-saleysi
Haddii nidaamka federaalka lagu saleeyo qabiil, isir, ama koox gaar ah sida federalismka ku saleysan qabiilka, wuxuu kobcin karaa dareen qaranimo la’aan, oo dadka laga yaabo in khilaafka kasta oo u dhex mara dowladda dhexe iyo midda gobolka ay u arkaan beegsi gaar ah oo qabiil aan loogu hayo ayaga.
3. Tartan aan caafimaad qabin oo u dhexeeya gobollada
Mararka qaar, gobollada federaalka waxay bilaabi karaan inay iska hor yimaadaan ama ku loolamaan arrimo dhaqaale ama siyaasadeed, taasoo keenaysa kala fogaansho iyo in danaha gobolku ka hormaraan kuwa qaranka.
4. Maamul xumo iyo is-aamin darro
Haddii dowlad-goboleedyadu aysan si cadaalad ah u wada shaqaynin ama ay isku dayaan inay ku kala horreeyaan saameyn siyaasadeed oo aan waxqabad hormar ku salaysan, waxay dhaawacaysaa midnimada qaranka iyo kalsoonida dadka ee dowladda dhexe.
Si kastaba ha ahaatee Nidaamka federaalka wuu noqon karaa mid taageera waddaniyadda guud haddii:
Dastuurka iyo sharciga si cadaalad ah u qeexaan awoodaha dowladda dhexe iyo gobollada, sidoo kalena La helo hannaan awood qaybsiga oo xoojiya midnimada qaranka, qaranimada iyo danaha guudna lagu dhiso waxbarasho, dhaqaalaha, iyo sumad qaran oo wadaag ah (calan, hees qaran, af qaran iwm).
Si kastaba ha ahaatee Nidaamka federaalka ma aha mid dabeecad ahaan halis ku ah waddaniyadda, balse wuxuu noqon karaa caqabad haddii aan si hufan loo hirgelin, wuxuuna u baahan yahay maamul daacad ah, nidaam sharci oo cadaalad ah, iyo in la dhiso qaranimo ka sarreysa danaha gaar ahaaneed.