Xaaladda California oo weli cakiran iyo masuuliyiinta gobolkaas iyo Trump oo qoorta iskula jira

Gobolka California ee dalka Mareykanka waxaa weli ka socda rabshado u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo dad ka caraysan howlgalka musaafirinta ah ee dowladdu waddo.
Guddoomiyaha gobolkaas Gavin Newsom ayaa madaxweyne ku eedeyay inuu qalalaasaha socda asagu mas’uul ka yahay, asagoo sheegay in waxa dhacaya uu ku faraxsanyahay.
“Tani waa dhabtii uu Trump rabay, wuxuu huriyay qalalaasaha, ka dibna wuxuu si sharci darro ah isugu dayay inuu Federaaleeyo Ciidanka Qaranka, amarka uu saxiixayna maaha kaliya California” ayuu yiri guddoomiye Gavin Newsom.
Dhinaca kale Trump oo arrinkaas ka jawaabay ayaa yiri “Haddii aan ahaan lahaa Wakiilka Ilaalada Xuduudka Tom Homan, waxaan xiri lahaa Gavin Newsom, taas oo aan filayo inay tahay wax weyn, Gavin wuxuu jecel yahay sumcadda, wuxuuna qabtay shaqo aad u xun, Isagu waa mid aan karti lahayn, qof walbana wuu garanayaa”.
Rabshadaha ka socda magaalooyinka waaweyn ee gobolka California ayaa galay maalintii seddaxaad, ayadoo madaxweyne Trump uu amar ku bixiyay in kumanaan Ciidanka Federaalka ah la geeyo halkaas .